Ku dhawaad 5 Ruux oo lagu Dilay Weerar ka dhacay Dalka Kenya

0
45

Lamu (Sh M Network)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha
dhimasho ee ka dhashay Weerar Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka
tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Lamu ee
Dalka Kenya.

Weerarkan oo dhabo gal ahaa ayaa ku dhintay ugu yaraan 3 Ruux oo labo
ka mid ah ay ahaayeen Askat ka mid ahaa Ciidamada Booliska Dalka
Kenya.

Afhayeenka Ciidamada militariga ee Dalka Kenya, Joseph Owuoth ayaa
waxuu sheegay in Xubno ka tirsan Al Shabaab ay afduubteen mas’uul ka
tirsan Wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta ee Dowladda Kenya iyo 3
kale.

Waxuu intaasi ku daray in Ciidamada militariga ay soo furteen la
heystayaasha balse darwalkii Gaariga ku waday Dadkaasi uu ku dhintay
howlgalkii lagu qaaday Kooxdii ka dambeysay afduubkaasi ka dhacay
Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.

Xaafado ka tirsan Magaaladan ayaa horaantii todobaadkan ayaa waxaa
lagu dilay ugu yaraan 9 Ruux kadib marki Xubno ka tirsan Xoogaga
Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Lamu.

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro u joogteeyay qeybo ka mid ah
Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, tan iyo markii Xukuumada Nairobi
ay Ciidamo u soo dirtay gudaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan
howlgalka AMISOM oo lagula dirirayo Xarakada Al Shabaab.

Xigasho: Radio Shabelle

SHARE