Qaramada Midooby oo ka walaacsan abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya

0
35

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada
iyo Beeraha ee FAO ayaa lagu sheegay in Hay’adda walaac xoogan ka
muujineyso in markale ay dhibaatooyin ka dhashaan abaaraha ku dhuftay
Dalka Soomaaliya.

Hay’adda FAO ayaa xustay in dhibaatada ay ka walaacsan yihiin ay amaan
karto hadii ay di’i waayaan roobabka la filayo maadaama roob la’aanta
ay saameyn ku yeelan karto malaayiin Ruux oo Soomaali ah.
Warbixinta Hay’addan ayaa lagu cadeeyay in loo baahan yahy in taageero
bini’aadannimo lala soo gaaro qoysas badan oo Soomaali ah, maadaama ay
saameyn ku yeesheen abaaraha ku dhuftay Gobolada Dalka Soomaaliya.

Qooralkan ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada
iyo Beeraha ee FAO ayaa imaanaya xili abaaro ba’an ay ku dhufteen
Dalka Soomaaliya, taasi oo qeylo dhaan xoogan ay ka muujiyeen Beesha
Caalamka.

Xigasho: Radio Shabelle

SHARE