Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay Duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

0
43

Afgooye ( Sh. M. Network)-Dagaalkani oo u dhexeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada Buulo yareey oo qiyaastii 5 Km dhanka Waqooyi ka xigta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana wararku sheegayaan in dagaalkaan uu ka bilowday is qab qabsi la xiriira dhul Beereed .

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo isugu jira Maleeshiyaadka geeriyooday iyo Rayid caruur ay ka mid yihiin ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka ku dhaqan Tuulada Buulo-Yareey oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Shabelle uga warbixiyay dagaalkaas oo geystay khasaaro nafeed.

Waxaa weli Rasaas goos goos ah oo ay isweedaarsanayaan labada dhinac laga maqlayaa Tuuladaasi Buulo-Yareey ee hoostagta degmada Afgooye.

Ciidamada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaan weli kala dhex galin labada Maleeshiyo Beeleed iyadoo aanu jirin wax war ah oo xiisad beeleedkaasi uu ka soo saaray Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xigasho: Radio Shabelle

SHARE